Ciidamada Xoogga dalka ayaa dilay Mukhtaar Nuuroow oo ahaa sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Baay iyo dagaalameyaal badan oo ka tirsan kooxdaasi, kadib markii ay weerar ku qaadeen degmada Diinsoor.
Saraakiisha ciidanka xoogga ayaa sheegay in Jab xooggan ay gaarsiiyeen Al-shabaabkii weerarka ku qaaday degmada Diinsoor.
Sidoo kale saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday in hub iyo agab ciidan ay ka furteen Al-shabaab.
Ma sheegin saraakiisha ciidanka magacyada iyo tirada rasmiga ah ee Al-shabaab loogu dilay dagaalka