Ciidanka Sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay wadda xariirisa degaanada Qoryooleey iyo Janaale ee Gobolka Shabellada Hoose.
Howlgalkaan oo ahaa Mid Qorsheysan ayaa lagu dilay in ka badan 20 dagaalameyaal iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa tuulooyin xariirisa Janaale iyo Qoryooleey ee Gobolka Shabellada Hoose.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guudto Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in Howlgal gaar ah ay Ciidanka Danab ka fuliyeen wadda isku xirta Janaale iyo qoryooleey ee gobolka Shabellaha Hoose
Jeneraal Odowaa waxa uu sheegay in howlgalka lagu dilay in ka badan 20 dagaalame iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab