In ka badan 7,000 oo isugu jira barokacayaal, bukaanno, iyo shaqaalaha caafimaadka ee Cisbitaalka Al Shifa, ayaa wajaha xaalad adag, iyada oo laga cabsi qabo in ay u geeriyoodaan.
Maamulka Isbitaalka Shifa ayaa sheegay in Isbitaalka ay ku jiraan 650 bukaan iyo ku dhawaad 7,000 oo barakacayaal ah.
“Waxaa laga yaabaa in saacadaha asoo socda ay isbitaalka carruur badan u geeriyoodaan nafaqo-xumo koronto la’aan awgeed” ayuu yirir mid kamid ah dhaqaatiirta.
Israel ayaa sheegtay in Isbitaalkan uu xarruun u ahaa Ururka Xamaas oo bishii hore 7 dii weerar ku qaaday gudaha Israel.