Somali News

(Sawirro)Saraakiil ciidan oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga oo digniin loo diray

60-ka mid ah Saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalka ayaa Maanta Tababar loogu qaaday Dalka Turkiga sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Amar Dambe

“Waxaan Maanta Garoonka Aden Cade ka sii Sagootiyay Saraakiil Tababar loogu qaaday dalka Turkiga Tiradooda waa  60 Sargaal oo ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Gaar ahaan Saraakiishii iyo Saraakiil Xigeenadii ka Qalin jabisay Kuliyada Tababarada ee Turki Som”.ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.

Xasan Cali Amar dambe Wasiirka Wasaarada Gaashanshiga Soomaaliya ayaa Digniin culus u diray Saraakiisha iyo Saraakiil xigeenada ee Maanta tababarka u aadaya dalka Turkiga.

Halkan ka daawo Sawirada.