Muqdisho–KNN– Ugu yaraan 10 Qof oo ah Dad Shacab ah islamarkaana Saarnaa Gaari Caasi ah ayaa ku dhintay Qaraxii ka dhacay Inta u dhaxeysa Maqaayadda Isisaar iyo Ajabka Shidaalka ee Bacadlaha Xamar-weyne ka xiga dhanka Qorax u dhaca,waxaana dhaawacu uu ku dhaw yahay 20 kale.
Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa,waxaana Xilligaas goobta ka jiray Mashquul aad u badan,madaama ay Kaabiga ku hayso Meel laga raaco Gaadidka Dadweynaha oo Xilligaas aad u Mashquul aheyd.
Wariye ka tirsan KNN oo Goobta tagay ayaa arkay Meydadka 7 Qof oo Shacab ah,kuwaas oo badankooda saarnaa gaari Homey ah.
Gaadiidka Gurmadka deg dega ah ayaa Goobta tagay si ay u Caawiyaan Dadka ay Masiibadu qabsatay.
Waxii ku soo kordha dib kala soco Insha Allah