Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanayo degaanka Ceel-Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa soo sheegayo in halkaasi dad ay carruur ku jiraan loogu dilay aanooyin qabiil.
Ugu yaraan 5 qof oo laba ka mid ah ay yihiin carruur ayaa maanta lagu dilay degaanka Ceel-Baraf ee Sh/Dhexe. Dilka dadkaan ayaa daba jooga colaad beeleed maalmihii la soo dhaafay ka taagneed xuduuda degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan iyo degaanka Ceel-Baraf ee Sh/ Dhexe.
Maamulka HirShabeelle ayaa wali ku guuleysan iney xal u helaan colaadda ka taagan gobolada HirShabeelle oo saameysay boqolaal shacab danyar ah.