Muqdisho-KNN-Alle ha u naxariistee waxaa Muqdisho lagu dilay Mid ka mid qh Saraakiishq Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa Degmadq Hodan ee gobalkq Banaadir.
Marxuumka la dilay oo lagu magqcaabi jiray Maxamed Dheere ayaa ka tirsanaa Booliska Soomaaliya waxaana dilkiisa fuliyay rag Bastoolad ku hubeysan.
Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda saybiyaano ee degmada Hodan waxaana la sheegay in ay baxsadeyn ragii dilka ka dambeeyay.
Xaafadda Seybiyaano iyo Beerta Jaadka waa meelaha ugu halista badan Muqdisho waxaana inta badan ka dhaca dilal kala Duwan mana jirto dilalkaas dad loo soo qab qabto.
Dhowr cesho ka hor ayaa Haweeney ka tirsaneed Saraakiisha Ciidanka Booliska gaar ahaan qeybta Zaadka lagu dilay Xaafadda Seybiyaano waxaana ka sii horeysay tiro kale oo dad ah oo halkaas lagu dilay.


