Gaalkacyo-KNN-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi la geeyay ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo laga keenay gobolka Sool.
Ciidamadan ayaa loogu tala galay in ay ka hortagaan falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada gaalkacyo.
Wararka qaar ayaa sheegaya maamulka Puntland uu amar ku bixiyay in ciidankan la geeyo Gaalkacyo, islamarkaana halkaasi ay baaritaano ka sameeyaan
Howgalka ayaa waxaa loogu magac daray caa’isha maxay galabsatay, waxaa uuna ka bilaabanaya Magaalada Gaalkacyo.
Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii ay kordheen dilalka ka dhaca Magaalada Gaalkacyo iyo Kufsiga loo geysto Gabadha da’yarta, waxaana ciidamadan ay wax ka qaban doonaan falalka amni daro ee ka dhaca Barta Magaaladaasi.
Dhawaan ayay ahey markii falal amni daro iyo kufsi ay ka dhaceen Magaalada Gaalkacyo ee dhanka ay taliso Puntland.