Somali News

Golaha Shacabka oo maanta kulan xasaasi ah ku leh Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah waxaa ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka Golaha Shacabka ayaa waxaa uu yahay U codeynta wax ka badelka sharciga Hantidhawraha guud iyo Xeer Maamul Bankiga dhexe.

Mudanayaasha ayaa dood adag ka yeelan doono labadan hindise sharciyeedka.

Amaanka Wadooyinka soo gala xarunta Golaha Shacabka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona ciidamo badan ay sugayaan Amaanka Xaruntaasi.