Muqdisho-KNN-Allaha u naxariistee Wariye Yoonis Cali Nuur oo mudo in ka badan 30sano la soo shaqeeynayay Laanta Afka Soomaaliga Ee BBC-da ayaa xalay ku geeryooday Magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoona Yoonis Cali Nuur uu ka mid ahaa wariyaasha Rug cadaaga ah ee Soomaaliyeed.
Yoonis ayaa xiliyadii dambe wuxuu ku noolaa magaalada Hargeysa ee Soomaaliland Xaalad Cafimaad daro darteen ayaa Allaha u naxariistee Yoonis Cali Nuur loogu qaaday magaalada London, sida ay baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, oo in muddo uu ka tirsanay.
Yoonis Cali Nuur ayaa waxaa la sheegay in hada la taliye uu u ahaa Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliland.
Alaha u naxariistee Yoonis Cali Nuur ayaa waxaa ka soo shaqeeyay Radio muqdisho xiligii 1970-kii qiyaastii,isagoona kadib ku biiray Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.


