Somali News

Sawirro:- Aadan Madoobe oo xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka si rasmi ah ula wareegay

Waxaa goordhow soo dhamaaday kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, xili uu shir guddoon ka ahaa  Guddoomiyaha la doortay ee Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Shacabka ee 10-aad oo khudbad ka jeediyay xarunta golaha ayaa si rasmi ah u shaaciyay in xilka Guddoomiyahaha golahs uu ku wareejiyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur, isagoo guddoonka iyo  Xildhibaanada Baarlamaanka guul u rajeeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo khudbad isna ujeediyay Xildhibaanada ayaa ugu mahadceliyay xil wareejinta Guddoomiyii hore ee Baarlamaankii 10-aad Maxamed Mursal, waxaana uu sheegay inay booqasho ku tagi doonaan xafiisyada guddoonka Baarlamaanka ay ku shaqeeyaan.

Sidoo kale, wuxuu Xildhibaanada ku wargeliyay in Ajendaha kulanka uu ahaa maanta xil wareejinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo Xildhibaanada ugu mahadceliyay sida sharafta leh ay ugu doorteen guddoonka golahaas.

“Waxaan rabaa marka koowaad inaa idiiin mahadceliyo Xildhibaanada sharafta ee Baarlamaanka 11-aad sida sharafta leh aad inoo doorateen oo maanta ilaahey ina waafajiyay anagoo nabad qabna inaa isku imaano golaheena, dhinaca kale waxaan rabaa inaa idiin cadeyno haduu Allah idmo maanta wixii ka horreeyay wixii la soo maray oo maamulka afaarihiisa ah waxaa soo waday Guddoomiyaha KMG ahaa anaha wixii ka dambeeya ayey Xildhibaanada golaha shacabka nagula xisaab tami doonaan waa inaa sidaas ogaateen” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Sidoo kale, wuxuu Xildhibaanada ku wargeliyay in Ciidul fidriga kadib ay dib isku soo laaban doonaan si gaar ah bisha Afaraad ee May, maadama uu soonka uu gabagabo yahay.

Wuxuu sheegay in waxyaabo badan oo jira ay sixi doonaan marka ay isku soo laabtaan Xildhibaanada, isagoo xusay in Guddoonka cusub ee Golaha Shacabka uusan ahayd mid koox gaar ah u caleemo saaran.

“Waxkasta oo u baahan inaa saxno markaa isku soo noqono ayey ka bilaaban doontaa anaga haduu illaah yiraahdo waxyaalo yaryar iney jiraan waana loo sheeg sheegayaa, anagu hadaan nahay guddoonka Golaha Shacabka ma nihin dad koox (Team) gaar ah u caleemo saaran Baarlamaanka golaha Shacabka ayaa anagu mas’uul u nahay horey waan u balan qaadnay waa wajibaadka dastuuriga ah ee ina saaran si kalsooni leh daacdnimo leh oo illaah dartiisa ah ayaan u wada shaqeyn doono haduu illaah yiraahdo.” Ayuu yiri Sheekha Aadan Madoobe.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya Sheekha Aadan Maxamed Nuur ayaa Xildhibaanada la wadaagay in kulanka ay yeelan doonaan 4 bisha soo socoto oo ku beegan isniinta uu ajendaha kulankaas yahay labo qodob:

1-Miisaaniyada Sanadka 2022-ka  2- iyo Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.