Sports

Aaron Ramsey: “Ciyaartoyda Arsenal waxay doonayaan inay ku guuleystaan ​​Europa League si niyad wanaagsan ay ugu sagootiyaan Arsene Wenger”

Muqdisho-KNN-Xiddiga khadka dhexe kooxda Arsenal Aaron Ramsey ayaa qiray in kooxdiisa Arsenal ay masuuliyad wayn iska saari doonto ku guulaysiga Europa League si loogu sagootiyo macalin Arsene Wenger.

Isbuucii lasoo dhaafay, Wenger ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo shaqada tababarnimo kooxda Gunners, isagoo soo gabagabeynaya 22 sanno oo uu macalin u ahaa kooxda ka dhisan Waqooyiga London.

Arsenal weli way u qalmi kartaa xilli ciyaareedka soo socda ka mid noqoshada Champions League iyagoo ku guuleysanaya Europa League, lakiin Ramsey ayaa soo jeediyay in guulshaasi ay Wenger u noqon karto arin farxad leh waa haday dhacdee.

27 jirkaan ayaa u sheegay Sky Sports News: “Waa dhiirigelin weyn, si loo sagootiyo macalinkeena waxay ciyaartooyda dhamaan sameen doonaan inay ku guulaystaan koobkan”.

“Waxa ay noqon doontaa mid cajiib ah xilli ciyaareedka soo socda marka uusan halkaan joogin, lakiin haatan waa inuu joogitaankiis wax fiican ku dhameeyaa, waana inaan dhameystirnaa xilli ciyaareedka sida ugu macquulsan.

“Waa in aan koobkan hananaa oo aan u adeegsanaa dhiirogelintiisa sidoo kale waa inaan dhameystirno xilli ciyaareedka si adag, waxaana rajeyneynaa inaan kor u qaadi karno waxkastoo isaga u ah dhiiro galin”.

Arsenal ayaa wajaheysa Atletico Madrid lugta hore ee semi-finalka Europa League caawa.

Qalinkii:Aadam Aqyaar