Somali News

Aaska madaxweynihii hore ee dalka Burundi oo maanta ka dhacaya dalkaasi

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalado madaxda dalka Burundi ee Gitega.

Nkurunziza ayaa toddobaad ka hor u geeriyooday xanuun deg deg ahaa oo mudooyinkii u dambeeyay hayay, isaga oo markii dambana xanuunkaasi u geeriyooday.

Aaskan maanta ka dhacaya dalka Burundi ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka qayb galaan madaxda ugu sareysa dalkaasi, iyo kuwo horay madax uga soo noqday oo uu ay ka mid yihiin madax hore.
Sidoo kale waxaa ka qayb galaya shacabka dalkaasi

Madaxweynihii hore ee geeriyooday ee dalka Burundi ayaa waxa uu dalka Burundi madaxweyne ka ahaa in ka badan 15 sano.