Muqdisho-KNN-Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ayaa wada abaabul ka dhanka dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug.
Dhowaanahan Gobolka Mudug waxaa ka jiray baaqyo iyo abaabul ku aadan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degmada Xarar-dheere iyo deegaanada ku dhow.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ayaa shalay gaaray deegaano hoostaga degmada Xarar-dheere, halkaasi oo ay ka bilaabeen dhaq dhaqaaq iyo abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.
Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa hada waxaa ku sugan Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug, iyagoona halkaasi maamula.


