Somali News

Abaabul dagaal oo ka socda Dhoobley

Dhoobley-KNN-Wararka laga helayo deeegaano ka tirsan degmada dhoobley ee Gobalka Jubada hoose ayaa sheegaya in Abaabul dagaal laga dareemayo deegaanadaasi.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islaam Axmed madoobe oo ku sugan degmada Dhoobley ee Gobalka Jubada Hoose ayaa wada qorsho lagu diyaarinayo ciidamadii dagaalka la gali lahaa Al-Shabaab.

Deegaanada Jubbooyinka ayaa waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo militaro ay sameynayaan ciidamada amaanka ee Jubbaland, iyadoona ujeedkooda uu ahaa sidii ayAl-Shabaab ugu saari lahaayeen deegaanada maamulkaasi.

Al-Shabaab ayaa hada waxaa ay maamulaan deegaano ka tirsan gobalada Jubooyinka.