Somali News

Banaanbaxyo saakay laga abaabulayo G/Gado

Muqdisho-KNN-Wararka aan saakay ka heleyno deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ee koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in uu ka socdo abaabulka banaanbaxyo ka dhan war-murtiyeedkii dhawaan ka soo baxay midowga musharixinta madaxweynaha Soomaaliya ee qaadacay guddiyada doorashada qaranka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Banaanbaxyada ayaa waxaa la sheegay inay abaabulayaan xubnaha maamulka gobolka Gedo ee taabacsan dowladda federaalka, kuwaas xalay shacabka ku nool magaalooyinka gobolka Gedo ku war-galiyey in ay ka soo qeyb galaan bananbaxyadaan.

Degmooyinka laga abaabulayo banaanbaxyada ayaa kala ah Balad-xaawo ,Baardheere, Garbahaaray, Luuq-Ganane, Doolow, iyo deegaano kale.

Banaanbaxyada ayaa looga soo horjeedaa war-murtiyeedkii musharaxiinta Madaxwaynaha gaar ahaan qodobka 4-aad oo si toos ah ugu wajahan gobolka Gedo, kaas oo ahaa in dowladda Soomaaliya ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Haramcad ka soo celiso gobolka Gedo.

Sidoo kale musharaxiinta ayaa dalbaday in gobolka Gedo loo madax-baneeyo maamul goboleedka Jubbland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe, si halkaas doorashada ka dhaceysa ay u ahaato mid daah-furan.

Dowladda Soomaliya ayaa ku dhawaad laba sano ka hor gobolka Gedo kala wareegtay Jubbaland marka laga reebo degmada Ceelwaaq.