Uncategorized

Abaaraha oo Noqday Sababtii ugu weeyneeyd ee Barakaca Sanadkii Tagay.

Muqdisho-KNN-Xasaradaha Banii aadannimo ee Soomaaliya oo in Muddo ahba soo taagnaa Waxaa soo celceliyay Saameeynta isxig-xigtay ee Roobka oo aan Di’in waqtigii la filyay tan iyo Horraantii Sanadkii 2015kii.

Colaadaha soo laa-laabtay ee koofurta iyo barytamaha Soomaaliya kaliya ugama aysan sii darin Barakaca balse sidoo kale waxaa ay yareeyeen Fursadaha Banii aadannimo waxayna sababeen in la waayo Warbixinadda Dadka baahan iyo Gaabiska Adeegyadda ee jira.

Si wax looga qabto Gaabiska Warbixinadda ee jira loona taagero heey’adaha ka shaqeeya Banii aadannimadda, Heey’adda REACH ayaa fuliyay Qiimeeyn is xig-xigtay oo ay ka sameeysay Magaalooyinka Baardheere, Buulo Burde, Cadale, Dhuusamareeb, Diinsoor, Doolow, Garbahaarreey iyo Luuq.

Hey’adda ayaa Qiimeeynteeda waxa ay ku sheegtay in Abaaruhu ay Tiro muuqata  ku kordhiyeen Barakaca Dadka.

Abaarubu, waa sheeyga ugu culus ee Maanta Sababaya Barakaca Dadka Soomaaliyeed sida lagu ogaaday Qiimeeyn isdaba jog ah oo lasameeyay, Dadkii la wareeystay aya sheegay in Biyo la’aan iyo Cuno yaraan ay uga soo carareen Meelihii ay Daganaayeen.

Dadka Barakacay, Magaaalooyinka ay Tageen kama aysan helin Caawimaaddii ay ubaahnaayeen.

Heey’adaha Gargaarka ee ka shaqeeya Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Abaaruhu ay badaleen Colaadaha oo markii hore ahaa Sababta ugu weeyn ee Barakaca.

Wali meesha ka aysan bixin Saameeyntii Colaadaha, waxaana xusid mudan in Wali ay jiraaan Dad Colaadaha ka cararaya, sidaas oo ay tahayna waxaa ku biiray Saameeynta Abaaraha.

Waxaa isdaba jog noqday Qaylo dhaanta Heey’adaha Gargaaarka ee ah in Dadka loo gurmado.