Somali News

Abdulkadir Isse oo ku guulaystay abaalmarinta Weriyaha Sanadka 2020.

KNN (Mogadishu)– Abaal Mari Sanadla ah oo mar ay qabato madasha Mogadishu Awords ayaa waxaa Sanadkan 2020 ku guulaystay Abdulkadir Isse.

Abdulkadir waxa uu kamid yahay Wariyayaasha ka howl-galo Warbaahinta Dowladda, waxa uu si gaar ah uga soo warramo Maxkamadda Ciidamada.

Maxkamadda Ciidamada ayaa xukunto Ciidamada Qalabka Sida iyo Kooxaha sida Ciidan u Abaabulan Ee Alshabaab iyo Daacish.

Waxaa tartanka kula jiray ilaa lix wariye oo warbaahinta gudaha ka shaqeeyo.