Uncategorized

Abiy Ahned oo Muslim ah oo ku socdo wadadii Ra`iisul wasaare ugu noqon lahaa Itoobiya.

Muqdisho-KNN-Xisbiga talada haya ee dalka Itoobiya ayaa gudoomiye u doortay Abiy Ahmed, oo ah siyaasi Muslim ah oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada ee Itoobiya.

Tallaabadan ayaa waddada u xaareysa in Abiy Ahmed uu noqdo Ra’isulwasaarihi saddexaad ee ay Itoobiya yeelato muddo 23 sano ah.

Ku-dhawaaqiddan ayaa timid ka dib bilo dibadbaxyo xoog badan oo ay ka jiray gobolada Oromada iyo Amxaaradda, dibadbaxyadaas oo keenay in la sii daayo siyaasiyiin caan ah iyo warfidiyeeno dawladda u xirnaa.

Waxa kale oo ku dhawaaqistani imanysaa ka dib markii uu is casilay Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Hailemariam Desalegn.

Abid Ahmed oo Muslim ah ayaan la ogeen waxa uu ka badali doono siyaasada cakiran ee ka taagan wadankaasi.