Somali News

Abiy Axmed oo codsi la xiriira gobolka Tigray u diray beesha caalamka

Addis Ababa-KNN-Itoobiya waxay ka codsatay beesha caalamka in aysan isku dayin ‘tallaabooyin aanan lasoo dhaweeynin oo ah falal sharci darro ah oo ku saabsan faragelinta xaaladda dagaal ee ka taagan waqooyiga Itoobiya.

Hadalka Abiy waxa uu imaanayaa xilli uu isa soo tarayo cadaadis caalami ah oo ku saabsan xabad joojin la hir geliyo si gargaar bani’aadanimo loo gaarsiiyo shacabka ku nool Tigray oo muddo saddex toddobaad ah lagu dul dagaallamayo.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka codsaday beesha caalamka inay u diyaar garoobaan in xaaladda ay faraha lasoo galaan tan iyo inta xukuumadda ay ka codsaneyso in laga caawiyo qalalaasaha haatan ka taagan gobolka Tigray.

Abiy wuxuu sheegay in dalkiisa “uu diiday in lasoo farageliyo arrimaha gudaha” kana codsaday beesha caalamka ‘inay qaddariyaan mabaa’diida aasaasiga ah ee dhigayo in la sameyn wax faragelin ah sida ku xusan xeerarka caalamiga ah.’

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in uu soo dhaweynayo walaac beesha caalamka ay ka muujinayaan xaaladda.

“Waxaan carabka ku adkeynayaa in Itoobiya ay leedahay awood isla markaana ay ku rajo weyn tahay inay xaliso xaaladda iyadoo loo marayo sharciga iyo xeerarka caalamiga ah” ayaa lagu bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.