Somali News

Abiy Axmed oo wacad ku maray in uusan ogolaan doonin in Itoobiya burburto

Muqdisho-KNN-Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Axmed oo hortagay baarlamaanka dalkaasi ayaa ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen mudanayaasha baarlamaanka.

Dr. Abiy mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey muranka ku gadaaman biyo xireenka ay Itoobiya dhiseyso wuxuu sheegay, iney dowladda Itoobiya dhismaha biyo xireenka ay dhammeystireyso isla-markaana ay billaabeyso buuxinta biyaha harada biyo xireenka 10%, maadaamaa xilli roobaad lagu jiro.

Wuxuuna Ra’iisal wasaaruhu sheegay biyo buuxinta harada biyo xireenka ee 10% oo dhawaan la billaabayo iney cidna wax dhib ah u geysaneyn..

“Waxaan si cad idinkuugu sheegayaa inta dhimaneyso ayaa dhiman mooyee howlaha horumarka ee aan billownay inaan marnaba joojineyn oo ay halkooda ka sii soconayaan.”

“Xilliga fannaanki caanka ahaa Hachaaluu Hundheesaa si naxariis darra ah loo khaarijinayey golaha ammaanka ee qaramada midoobay wuxuu dhageysanayey cabsho la xiriirta wabiga Abay (Nile)” ayuu yiri.

Abiy Axmed fannaanka la dilay wuxuu ku tilmaamay inuu ahaa “Geesi go’aankiisu caddaa oo soo halgamay”.

“Dilka Hchaaluu loo geystay wuxuu ahaa mid lagu doonayey in dowladda Itoobiya laga mashquuliyo arrimaha biyo xireenka oo mashquul kale loo abuuro” ayuu yiri.

“Warar degdegga ah waan maqalnaa, laakiin wararka degdegga ee joogtada ah wixi hadda ka dambeeya waxay noqonayaan himilooyinkeenna oo aan meel marinnay” ayuu yiri.

BBC