Somali News

Abiy Axmed”Cabdi Cumar gacanta cadaaladda ayuu ku jiraa”

Muqdisho-KNN-Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo ka hadlayay kulan uu saxaafaddu isugu yeeray ayaa waxaa wax laga weydiiyay waxa maamulkiisa uu ka yeelayo, madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Cabdi Maxamed Cumar oo haatan Adisababa lagu hayo.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in Cabdi Maxamed Cumar uu heli doono wixii sharcigu uu usoo go’aamiyo, xilliganna uu ku jiro gacanta cadaaladda.

Cabdi Maxamed Cumar oo muddo toban sano ku dhaw madaxweyne ka ahaa Kilinka Shanaad ayaa kasbaday dhaliil badan, oo ay ugu horeyso xasuuq wadareedyo tiro aan yareyn dhacay.