Somali News

Abiye Axmed oo warbaahinta kala hadlay rabshadihii dalkaas.

Abiye Ahmed Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ka warbixinayay shaqaaqoyinkii dalka ka dhacay ayaa waxaa kamid ahaa haddaladiisa:-

Xooogaga markaan hal tallaabo horay uqaadno dib innoo celinaya waa innaan joojinaa.

Dadka ku nafwayay shaqaaqoyinkii dhawaan ayuu sheegay innay gaadhayaan 86-qof, oo isugu Jira 50-Oromo ah ,20-Axmaaro ah,8-Gama ah,2-Silte ah,1-Gurage ah iyo 2-Hddiya ah.

Mar uu ka hadlayay diimaha ay haysteen dadkan ayuu sheegay innay 40-Kiristan ahaayeen,34-qofna Muslim ahaayen halka 12-qof ahaayen kuwa diima kale aaminsan.

Wuxuu intaas ku daray in 76-Qof iyagu isku dhac dhexdooda ku dhinteen halka 10-Qof gacanta hayaddaha amaanka ku dhinteen.

Abiye Ahmed ayaana intaas ku daray in tallaabo la qaadi doono si loo Bad baadiyo muwaadininta