Uncategorized

Abuukaate Tahliil Xaajo Axmed oo sheegay in ciidamadii Weerarku qaaday siyaasiga Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur aysan Warqad Waran ka haysan maxkamada.

Muqdisho-KNN-Abuukaate Tahliil xaaji axmed oo ah Qareenka u Doodayay cabdi raxmaan cabdishakuur oo shalay galinkii Dambe la geeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Xeer ilaalinta iyo Ciidamadii weeraray Guriga Cabdiraxmaan cabdi shakuur aysan heeysan Ogolaansho maxkamadeed, Islmarkaana ay Maxkmadda Horteeda ka sheegeen in ay Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Soo Xireen Waaran la’aan.

Abuu kaate Tahliil ayaa Hadalkiisa ku raday in uusan jirin sharci fasaxaya in Saqdhe loo dhaco Guryo Dad shacab ah, Hadii uusanjirin Faldambiyeed Halis ah, hase ahaatee wuxuu sheegay in Xeer ilaalintu ay Xariga Cabdi raxmaan cabdi shakuur u Cuskadeen Edeeymo ay ku sheegeen in uu Maleegayay Shirqool iyo Qarandumisnimo.

Markii uu dhamado Waqtigii Maxkadda Gobolka Banaadir ay u qabatay Xeer ilaalinta in ay ku Dhameeystiraan dacwadda ay Cabdiraxmaan cabdi skahuur kusoo oogayaan, ayaa Mar kale maxkamadda la isugu imaan doonaa.

Waqtiga Xeer ilaalinta loo qabtay oo ahaa  24 ayaa ku eg 6-da Maqribnimo ee Arbacadaan.

17 Bishaan ayaa Ciidmadda Amaanka gaar ahaan Kuwa nabadsugidda waxay Weerar ku qaadeen Guriga uu Magaaladda Muqdisho ka daganyahay Cabdi raxmaan cabdi Shakuur, waxayna Halkaas ku Dileen 6 Ruux oo shank amid ay ahaaayeen Ilaaladii Gaarlka ahad ee Cabdi raxmaan cabdi shakuur iyo Haweeneey Giriga ka shaqayneeysay.