Dhuusamareeb-KNN-Maareeyihii hore ee golaha murtida iyo wacyigelinta Qaranka, haatanna ah Afhayeenka golaha abwaanada Soomaaliyeed, Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo safar shaqo ku jooga deegaanada maamulka Galmudug, ayaa maanta booqday halka uu marayo dhismaha ku socda wadada laamiga ah ee xiriirisa magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.
Abwaan Cismaan Cabdullahi Guure ayaa daladda Midow Bulsho oo gacanta ku heysa dhismaha wadadaas waxa uu ku wareejiyey taakulo lacageed oo dhan $1,000 (Kun dollar).
Sidoo kale Abwaan Guure ayaa ku dhiiri geliyey dhalinyarada ku bahowday daladda Midow Bulsho ee isku xilqaantay dhismaha wadadaas in aysan ka daalin u qidmeynta dadkooda, waxayna wadadaan muhiim u tahay isku socoda bulshada ku nool bartamaha dalka, gaar ahaan magaalooyinka Gurceel iyo Dhuusamareeb.
Abwaan Guure oo hadal kooban ka jeediyey goobta uu ku wareejinayey lacagtaas uu ugu deeqay dhismaha wadada ayaa waxa uu sheegay in wax walba uu u huri doono waxa ay indhihiisu qabteen ee ka socday goobta dhismaha, taas oo uu ku tilmaamay shaqo dadweyne isku tashaday oo aan haysan hiil kale.
Ugu dambeyntii Abwaanka ayaa waxa uu baaq u diray ganacsatada, madaxda, qurba-joogta iyo cid walba oo awooda in ay gacan ka geysato dhismaha ku socda wadada laamiga ah ee xariirisa magaalooyinka Gurceel iyo Dhuusamareeb ee bartamaha dalka.
