Sports

Ac milan oo ciyaaryahan ka doonaysa Chelsea

Muqdisho-KNN-Kacaanka AC Milan ayaa sii socoda iyadoo Leonardo iyo Paolo Maldini ay kulamo dhowr ah oo kala duwan yeesheen tan iyo shalayto iyagoo doonaya inay sii wataan horumarka ay ku doonayaan inay kusoo nooleeyaan kooxda Rossoneri.

Ka dib markii ay lasoo wareegeen kooxda Gonzalo Higuain iyo Mattia Caldara oo labada ay ka imaadeen Juventus, Leonardo ayaa haatan doonaya inuu horumariyo qadkiisa dhexe mid ama xitaa labo ciyaaryahan oo cusub si uu ugu soo biiriyo kooxda 10ka maalmood ee soo socda.

Sida laga soo xigtay Sky Sport Italia, waxay u muuqataa kooxda AC Milan inay wadahadal kula jirto Chelsea oo ku saabsan Bakayoko.

Ciyaaryahankan khadka dhexe ayaa xilli ciyaareed adag ku qaatay London iyadoo rossoneri ay jeceshahay inay amaah ku hesho si ay u iibsadaan gadaal hadii ay uriyaaqaan.

Wadahadaladu waa ay socdaan waxaana loo badinayaa in uu muhiim u noqdo tababare Rino Gattuso xidigan.

Sky Sport ayaa sidoo kale raacisay in Sergej Milinkovic-Savic uu noqon lahaa saxiixii ugu weynaa ee Milan, laakiin ma ahan wax sahlan in lahelo xidagan.