Muqdisho-KNN-AC Milan ayaa ka shaqeyneysa sida ay ku helayso saxiixa khadka dhexe ee Manchester United Marouane Fellaini sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya Talyaaniga.
Qandaraaska xidiga heerka caalami ee xulka Belgium ayaa la filayaa inuu dhaco dhamaadka Juun, waxaana uu awood u leeyahay inuu si xur ah uga tago lacag la’aan kooxdiisa.
Tababaraha Red Devils Jose Mourinho ayaa si cad u sheegay inuu doonayo 30 jirkaan inuu sii joogo kooxdiisa, iyadoo kooxdu ay wadahadalo heshiis cusub ah la furanayso maalmaha soo socda.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Corriere dello Sport, Milan ayaa sidoo kale wadahadalo kula jirta Fellaini si uu u keento San Siro.
Kooxda Serie A ayaa lagu soo waramayaa xaqiiqda ah inay u ogolaan karaan ciyaaryahanka khadka dhexe inuu si xor ah ugu biiro kooxdooda, waxaana la sheegayaa inay doonayaan inay keenaan ciyaaryahan tayo leh kooxda xagaga soo aadan.
Fellaini ayaa la filayaa inuu heysto dalabyo badan hadii uu ka tago Manchester United xagaagaan, Besiktas ayaa sidoo kale raadineysa isaga.