Uncategorized

Afhayeenka Ciidamada Uganda”Al-shabaab awood uma laha weerar ay kusoo qaadaan dalkeena”

Muqdisho-KNN-Kadib markii maalmahaan dambe ay soo baxayeen warar sheegaya in dagaalamayaasha Al-shabaab ay qorsheynayaan weeraro ay ku qaadaan Dalka Uganda ayaa ayrintaas waxaa ka hadlay Taliska Ciidanka ee  dowlada Uganda.

War qoraal oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Uganda ayaa lagu sheegay in ay  suurta gal u noqon Karin dagalamayaal ka tirsan Al-shabaab in ay qorsheenayaan weerar ay ku soo qaadaan magaalada Kampala ee xarunta Wadankaasi.

Hadalkaan ayaa imaanaya maalmo kadib markii ay Uganda ay sheegtay in afar askari looga dilay lix kalana looga dhawaacay dagaal ay la galeen Al-shabaab oo dhanka kale ay tilmaamen inay ku dileen 30 dagaalamayaal oo shabaab ah.

Afhayeenka ciidanka Uganda Richard Karemire ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

“Waxyaabaha ay tabinayaan warbaahinta gudaha ee ah in Al-shabaab ay weerar kusoo yihiin Kampala ay tahay mid been abuur ah waxaa waajib naga saaran yahay difaaca shacabka ku nool Kampala” sidaasi waxaa yiri Richard Karemire oo warbaahinta la hadlayay.

Uganda waxa ay kamid tahay wadamada ay ciidamada badan ka joogaan Soomaaliya ee ka qeyb qaadanaya howlgalka AMISOM