Somali News

Afmadow: Golaha deegaanka oo soo doortay guddoomiye cusub

Afmadow-KNN-Doorasho loogu tartamayey guddoomiyaha degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa goor dhaw soo gaba-gabowday, waxaana lagu dhawaaqay natiijadeeda.

Doorashadaas ayaa waxaa ku tartamayey seddax musharax oo kala ah, Maxamed Cabdullaahi Cusmaan, Maxamed Cabdullaahi Xaashi iyo Yuusuf Xasan Xuseen, waxaana codeynayey golaha deegaanka degmadaas.

Maxamed Cabdullaahi Cusmaan (Maxamed Amiin) ayaa wareegii labaad ee doorashadaas ku soo baxay 13-cod, sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha guddiga madaxa-banana ee xuduudaha iyo doorashada Jubbaland Xamse Cabdi Barre.

Maxamed Cabdullaahi Xaashi oo helay 6-cod iyo Yuusuf Xasan Xuseen oo isna helay 2-cod ayuu wareegii labaad ee doorashadaas uga guuleystay guddoomiye Maxamed Cabdullaahi Cusmaan.

Afmadow ayaa noqotay degmadii ugu horeysay ee Jubbaland ay golaheeda deegaanku guddoomiye soo doortaan, iyadoo degmooyinka kale ee Jubbaland qaarkood ay ka socdaan dadaallo lagu soo dhisayo gole deegaan.