Somali News

AFRICOM oo ka hadashay duqeyn ay ka fulisay koofurta Soomaaliya

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqeyn dhanka cirka oo ay ka fuliyeen nawaaxiga magaalada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe ay ku beegsadeen hogaamiye sare oo Al-Shabaab ahaa.

Inkasta oo war qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM lagu xusay in howlgalkaas lagu dilay hal dagaalame oo argagixisada ka tirsan, si dhab ah looguma caddeynin shaqsigaas uu yahay hogaamiyahaas ay bartilmaameedsadeen.

Bayaankan meesha ka saarey in weerarka dhanka cirka ay waxyeelo kasoo gaareen dad shacab ah ayaanan lagu soo bandhigin magaca iyo xilka uu horjoogahaas u hayey xoogaga cilaaqaadka la leh Al-Qaacida.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar sii horeysay oo maanta ah waxay warisay in howlgal laga sameeyay isla aagaan lagu dilay Cabdiqaadir Kumaandoos. War-saxaafadeed ayay ku fahfaahisay in uu soo qabtay xilal badan. Xilli ay tibaaxdey in uu horey uga mid ahaa Xisbul Islaam, taliyeyaasha Al-Shabaab ayay tabisay in uu kamid ahaa. Sidoo kale, waxay daboolka ka qaadey in uu ahaa madaxa guutadda Jabadaha.