Somali News

Agaasimaha Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Jaalle oo xilkii laga qaaday.

Muqdisho-KNN-Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomar) ayaa Xilkii ka qaaday Agaasimaha Guud ee Hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Garre (Yuusuf Jaalle) kadib wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa.

Agaasimaha Hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Yuusuf Jaalle oo hada ku maqan Dalka Dibadiisa ayaa la sheegay in bilooyinkii la soo dhaafay uu aad u xumaa xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo Wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar kadib markii ay isku fahmi waayeen arimo quseeya Shaqada Duulista iyo Hawada Soomaaliya.

La soco Wixii Warar ah ee ku soo kordha