Uncategorized

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo la kulmay Mas`uuliyiin ka tirsan dowlada Norway

Muqdisho-KNN-Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Maxamed Aadam Koofi ayaa maanta booqday dalka Norway, wuxuuna kulamo kala duwan la qaatey laanta socdaalka, taliska booliiska, Xaruunta kaararka Aqoonsiga, wasaaradda Caddaaladda, iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi, waxaana ay kawada hadleyn iskaashi laga yeesho arimaha socdaalka iyo is-dhaafsiga khibradaha.

Agaasimaha guud iyo la-taliyihiisa Mahad Axmed Cabdi ayaa ka qeybgaley sidoo kale kulan lagu soo gabagabeynayey tababaro iyo shirar Norway uga socday saraakiil ka tirsan HSJ, kuwaas oo mudo asbuuc ah joogey magaalada Oslo ee dalka Norway.

Norway oo hor-muud u ah wadamada Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha socdaalka ayaa dhowaan ku dhawaaqi doonta dhameystirka ogolaanshiyaha dukuumentiyada safarka ee Soomaaliya, iyada oo hore Norway u ogolaatey baasaboorka dublamaasiga ah.