Somali News

Agaasimihii hore ee madaxtooyada Hir-Shabeelle oo isku dhiibay Al-Shabaab.

Jowhar-KNN-Agaasimihii hore ee madaxtooyada maamulka Hir-Shabelle Xasan Cumar Axmed ayaa isku dhiibay dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Xasan Cumar ayaa maanta kasoo muuqday warbaahinta Al-Shabaab isagoo ka waramaya waxa ku kalifay inuu iskiis ugu biiro Al-Shabaab.

Isagoo ku sugan deegaan lagu magacaabo Bu-aqaqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayuu sheegay inuu Seddax bilood agaasime ka ahaa madaxtooyada maamulka Hir-Shabeelle ee magaalada Jowhar, isla markaana uu warqad is casilaad ah u gudbiyey Madaxweyne Waare uuna ka aqbalay.

Muusan sheegin wax tabasho ah oo uu ka tirsanayey maamulka Hir-Shabeelle, balse waxa uu sheegay inuu go’aansaday in si iskiis ah ugu biiro Al-Shabaab, isagoo sheegay in codsi kaddib loo ogolaaday inuu ka mid noqdo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle oo aan wax ka weydiinay waxa ay ka ogyihiin arinta agaasimohoodii hore ee madaxtooyada ayaa noo sheegay in ninkaas uu madaxweyne Waare mar hore xilkii ka qaaday, mana jiraan wax faah-faahin intaas dheer oo uu ka bixiyey maamulka Hir-Shabeelle.