Muqdisho-KNN-Waxaa galinkii dambe ee shalay ku geeriyooday Isbitaalka Ordugaan Ex Digfeer ee magaalada Muqdisho Allaha u naxariistee Maxamed Cabdalla Caaqil oo ahaay Agaasimihii Xafiiska Xoghayaha guud ee Gobolka Banaadir.
Marxuumka ayaa waxa uu kamid ahaay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Arbacadii na dhaaftay ka dhacay Xarunta dowladda hoose ee magaalada Muqdisho.
Maxamed ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa labo qof oo laga reebay diyaaradii Qatar u qaaday dhaawacyada, kaddib markii la sheegay inay safar gali Karin.