Somali News

Ahlusuna oo dalbatay in la siiyo guddiga doorashada Galmudug iyo Khilaaf ka dhashay.

Dhuusamareeb-KNN-Kulan aan caadi aheyn ayaa waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb ku yeeshay R/Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Hoggaanka Ahlusuna.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in hoggaanka Ahlusuna ay R/Wasaare Kheyre ka dalbadeen in la siiyo guddiga doorashada Maamulka Galmudug, iyadoona arintaasi uu ka biiyo diiday R/Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Muran xoog leh ayaa ka dhashay arinta ku aadan codsi ka yimid Ahlusuna, iyadoona haatan khilaaf cusub uu soo kala dhex galay xubnaha Dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb iyo hoggaanka Ahlusuna.

Hoggaanka  Ahlusuna ayaa ku doodaya in la siiyo xubnaha ugu badan ee guddiga doorashada ee Galmudug, ,maadaama ay ku andacoonayaan in dowladda federaalka soomaaliya ay hada guddiga dib u heshiisiinta beelaha dega galmudug ay iyada haysato.

Khilaafkan cusub ee soo ifbaxay ayaa maanta laga dareemayaa deegaanada galmudug, iyadoona sababaha ugu weyn ee shirka uu baaqday uu yahay tabashooyinka ay qabaan hoggaanka Ahlusuna.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono khilaafka cusub ee soo kala dhex galay hoggaanka Ahlusuna iyo R/Wasaaraha Soomaaliya.

Dad badan ayaa qabo in arintan ay curyaamin karto inuu furmi waayo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug.