Uncategorized

Ahlusunna oo gor gortan ugu jirta in ay Xubno ku yeelato Maamulka Hirshabeelle.

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii Maamulka Ahlusunna ee dhawaan la midoobay Maamulka Galmudug Shiikh Maxamed Shiikir Cali Xasan iyo Guddoomiyaha Guud ee Ahlusunna Macalim Maxamuud Shikh Xasan ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Shiikh Cusmaan Barre waxayna ka wada hadleyn Mustaqbalka Degmada Matabaan oo ay maamulaan Ahlusunna.

Shiikh Shaakir iyo Guddoomiyaha Ahlusunna ayaa madaxweynaha Hirshabeelle ka dalbaday in xubno laga siiyo Hirshabeelle si ay u baneeyaan Degmada Matabaan oo ka tirsan Hiiraan maadaama ay la midoobeyn Maamulka Galmudug waana kulankii ugu horeeyay oo ay Labada dhinac yeeshaan.

Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegaya in uu jiro is faham daro salka ku heyso degmada Matabaan, Ahlusunna ayaa dooneysa in ay Mas’uuliyiin muhiim ah laga siiyo Maamulka Hirshabeelle iyo degmada, Madaxda Hirshabeelle ayaa la sheegay in ay diideyn in Ahlusuunna ay xubno ku yeeshaan Hirshabeelle waxa uuna kulankaasi ku dhamaaday is faham daro.

Xubno ka mid ah Hirshabeelle ayaa sheegay in Matabaan Hirshabeelle ku leedahay Xubno Muhiim ah sida Hay’adaha Fulinta iyo Sharci dejinta kuwaas oo ku yimid habka Awood qeybsiga beelaha Hirshabeelle.

Ahlusunna ayaa dhawaan heshiis la galay Galmudug waxayna ka heleyn Xubno muhiim ah, waxa ayna hada gor gorrtan kale ugu jiraan sidii ay uga dhax muuqan lahaayeen Hirshabeelle.