Uncategorized

Ahlusunna oo maalintii labaad Madaafiic ku garaacday Xeraale.

Xeraale-KNN-Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanka Xeraale ee gobalka Galgaduud Ciidamo ka tirsan Ahlusunna waljamaaca ay Maalintii 2aad ay Madaafiic ku garaaceen Xaafadaha deegaanka Xeraale oo maalmo ka hor lagu dagaalamay.

Saakay Barqadii ayaa ciidamada waxay tiro madaafiic ah ay ku garaaceen xaafadaha Magaalada waxaana sidoo kale duleedka Xeraale ka dhacay rasaas goos goos ah oo labada dhinac is dhaafsanayaan taas oo ay ka dhasheen qasaaro dhaawacyo ah.

Goob joogayaal aan la hadalnay ayaa sheegay Tiro dad ah ay dhaawacyo ka soo gaareen Madaafiicda ku soo dhacday gudaha deegaanka waxaana ka barakacay Shacab badan kuwaas oo ka baxsanaya colaadda deegaanka.

Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Ahlusunna Shiikh Maxamed Shaakir ayaa maanta tababar u soo xiray Ciidamo la sheegay in ay ku biiri doonaan dagaalka Xeraale sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ahlusunna.

Xiisadda deegaanka ayaa cirka isku sii shareereysa iyadoo ay isa soo tarayaan baaqyada loo jeedinaya dhinacyadii dagaalamay.

Ahlusunna ayaa shalay Madaafiic ku garaacay Xeraale waxaana ku dhintay 4 qof oo isugu jira Dumar iyo Caruur oo ay madaafiicda ku dhacday iyagoo guryahooda jooga, madaafiicda maanta lagu garaacay Xeraale ayaa noqoneysa maalintii 2aad waxaana si rasmi ah loo ogeyn inta ay gaarsiisan tahay dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay.