Xeraale–KNN– Wararka ka imaanaya Degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maanta Maleeshiyaad Taabacsan Ahlusunna ay Madaafiic ku garaaceen Degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud.
Madaafiicda ayaa Sababtay Dhimasho iyo Dhaawac sida ay sheegeen Dadka Degaanka.
Labo Hablood ayaa la sheegaay in ay Madaafiicda Maanta ku dhinteen,kuwaas oo Guri ay degenaayeen uu ku Habsaday Hoobiye.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Dad ku dhow ilaa Shan kale ay ku dhaawacmeen Hoobiyaasha.
Degaanka Xeraale Ee Gobolka Galgaduud waxaa dhowr jeer ku dagaalamay Maleeshiyaad Degaanka ah iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.