Uncategorized

Ahlusunna oo Xir Xirtay Odayaal la Kulmay Al-shabaab

Dhuusamareeb–KNN– Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb Ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Ahlusunna ay Xabsiga dhigeen Odayaal Shir kula yeeshay Al-shabaab Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Odayaasha ay Xir Xireen Ahlusunna ayaa la sheegay in ay gaarayaan illaa 7 Oday,kuwaas oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka Magaalada Guriceel,waxaana ay ku xiran yihiin Mudo Saddex Cisho ah Xabsi ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb oo ah Xarunta Gobolka Galgaduud.

Sababta Ahlusunna ay u Xirtay Odayaasha ayaa lagu sheegay in ay ka soo horjeedaan Kulanka dhexmaray Al-shabaab iyo Odayaasha ay Xabsiga dhigeen Ahlusunna Waljamaaca.

Xiisad iyo Muran ka dhashay Xariga Odayaasha ayaa laga dareemayaa Magaalada Dhuusamareeb oo ah Xarunta ugu weyn Maamulka Isku Magacaabay Gobollada Dhexe ee Ahlusunna.

Saraakiisha Ahlusunna weli kama hadlin Odayaasha u xiran oo ay ku Eedeeyeen in Al-shabaab ay kula soo Kulmeen Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud.