Somali News

Ajandaha Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiilada Puntland oo la shaaciyay

Ajandaha Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiilada Puntland oo ka kooban 15 Qodob ayaa saaka oo Talaado ah si rasmi ah loo shaaciyay.

Sagaalka Qodob ee ugu muhiimsan Ajandaha, waxa kamid ah; ka doodista Heshiis kasta oo Xukuumadda Puntland la gashay Dowlad ama Shirkad gaar loo leeyahay, Arrimaha Dhaqaalaha iyo Sicir-bararka, La-xisaabtanka Xukuumadda, Xaalufinta Degaanka iyo Jariifka, dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah, Xaaladda Gobollada SSC, Doorashada Xubnaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, Hehiiska DP World ee Dekedda Boosaaso iyo Ansixinta Miisaaniyadda 2021-ka.

Hoos ka akhriso Ajandaha oo dhan: