Somali News

Ajendeyaal xasaasi ah oo maanta la hor geynayo kulanka Golaha Shacabka

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay dooda seddexaad ka yeeshaan Hindise Sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa ajandaha ka mid ah akhrinta warbixinta guddiga Dastuurka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Guddigaan labada Aqal ka kooban ayaa in muddo ah ka shaqeynayay qabya-tirka dastuurka dalka, iyagoo kaashanayey wasaaradda dastuurka iyo guddiga madaxa-bannaan ee dastuurka.

Dastuurka dalka qabya-tirkiisa ayaa lagu waday in lasoo gabagabeeyo ka hor sanadkan 2020-ka, balse waxaa dib u dhac-weyn geliyay xanuunka Coronavirus oo kiisas badan laga helay dalka gudihiisa.

Sidoo kale waxaa jiray khilaafka soo kala dhexgelay dowladda federaalka iyo maamul goboladedyada qaar, kaas oo kaalin weyn ka qaatay dib u dhaca ku yimid qabya tirka dastuurka dalka.

Kolka uu soo dhamaado qabya-tirka dastuurka dalka ayaa lagu wadaa in ay meel mariyaan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, intaas ka dibna ay shacabka Soomaaliyeed afti u qaadaan.