Somali News

Akhariso:-Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay heshiiska Itoobiya iyo Dhismaha Darbiga Kenya.

Muqdisho-KNN-Isagoo ka soo muuqday Telefishanka Qaranka ee SNTV Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayuu ka hadlay arimo badan oo quseeyo Xaaladda Soomaaliya, sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka jawaabay su’aalo ka Guuxeysa maskaxda dad badan oo Soomaaliyeed.

Waxyaabaha uu ka hadlay waxaa ka mid ah heshiiska Afarta dakadood  ee Soomaaliya

Heshiiska Afarata Dekadood.

“Wax dekad ah oo la siiyay ama la siin doono Itoobiya ma jirto. Wadankeena wuxuu u baahan yahay dhaqaale, anagana dhaqaalaha ma heysano” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya mar wax laga weydiiyay heshiiskii Itoobiya.

“Afarta Dekadood kaliya waxaan u raadineeynaa waa in lagu sameeyo dayactir iyo maalgashi. Itoobiya waxey qeyb ka yihiin wadamada maalgashiga ku sameynaayo. Waa in sidaas loo fahmo  ma jirto taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed oo aan bixiyay ama bixin doono” ayuu markale yiri Madaxweynr Farmaajo.

WADOOYINKA XIRAN

“Waan ogahay shacabka in ay dhib ku qabeen wadooyinkii xirnaa. Waan ogahay in saacado badan la lugeynayay, Laakin naf badan in la badbaadiyo iyo in la lugeeyo waxey noqotay in lakala doorto, waxaana dooranay in la lugeego si aan u badbaadino nolasha Shacabka” Farmaajo ayaa sidaas sheegay mar la weydiiyay wadooyinka Xiran.

“Waxaan ku dadaaleeynaa in wadooyinka aysan markale dib u xirmin, shacabku waa iney la shaqeeyaan Ciidamada amniga iyo Dowladda” ayuu hadalkiisa raaciyey.

MUXUU LA AAMUSAA FARMAAJO MARKII AY XAALAD TAAGANTAHAY? 

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la weydiiyay sababta uu u aamuso markii uu dalka galo xaalad siyaasadeed ama mid amni waxa uuna yiri .

“Madaxweynaha waxba kama bilowdaan, weyse ku dhamaadaan, Madaxweynaha marwalba ma ordi karo,  Hoosha waxaa iska leh oo masuuliyadeeda qaadayo waa Ra’iisul Wasaaraha, Waa dhaqan cusub in madaxweynaha uu badanaa aamuso laakin waa sida saxda ah”

TUKARAQ SOMALILAND & PUNTLAND

“Waan la xariiray marar badan labada dhinac Somaliland iyo Puntland laakin xabad joojinta wali ma shaqeynin, Waxaan markale iyo markale ku celinayaa in la joojiyo dhiiga daadnaaya. Waa nasiib darro weyn in 28 sano kadib wali dad walaalo ah ay isdilayaan” ayuu ka sheegay Telefishinka Qaranka Wareysi uu bixiyay Madaxweyne Farmaajo.

DARBIGA BALADXAAWO

“Aniga waxaan wacay Uhuru Kenyatta, waxaan u sheegnay inuu joojiyo dhisida darbiga ilaa iyo inta aan ka kulmeeeyno. Wuuna joojiyay”

“Hada guddi qaran oo weyn ayaan ku wadnaa inaan sameeyno oo arinta dhexgalo. Aniga iyo Uhuru markaan daraad Nairobi tagay waaan ka wada hadalnay. Walina arintaas Waa socotaa”.

KALSOONIDA DOWLADDA.

“Waxaan qof walbo oo Somali ah ka dalbanayaa in dowladii ay iyaga soo doorteen aaminaan”

“Waa in qof walbo oo Soomaali ah uu ka taliyaa wanaag. Taageerida dowladiina aad u heysaan waan idinkaga mahadcelinayaa”

“Anaga taako Somali kamid ah in la qaato ma ogoli”

Wareysiga uu bixiyay Madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa mid dheer ayaa sidoo kale looga hadlay waxyaabo kale oo muhiim ah sida dhaqaalaha, amaanka, Siyaasadda, iyo hormarinta Shacabka.