Uncategorized

Akhriso:-Gudiga Badbaadada Golaha Shacabka oo sheegay in uu buray Mooshinkii ka dhanka ahaa Jawaari

Muqdisho-KNN-Guddiga Badbaadada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa Xalay ku dhawaaqay inuu buray mooshinkii kalsooni kala noqoshada ahaa ee laga keenay Guddoomiye Barlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Mooshinkaas oo ka dhashay qalalaase siyaasadeed oo hareeyay Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Hay`adaha kale ee Dowlada.

Xubnahaan oo xalay kulan saacado badan qaatay ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka dooday Mooshinka ka dhanka ah Gudoomiye Jawaari, inkastoo xubnahaan ay yihiin kuwoo taageyrsan Mr.Jawaari.

Markii uu soo dhamaaday kulanka ayaa Shir jaraa’id oo ay qabteen waxay ku xuseen in Mooshinkaas uu ku ekaa 28-ka bishan wixii ka dambeeyana uu burayo, sidaas daraadeedna uu gabi ahaanba uu buray Mooshinkaasi.

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen Guddiga Badbaadada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa waxay ka soo saareen illaa lix qodob oo ay uga hadleen xaaladihii uu soo maray mooshinka iyo qaabkii uu ku buray, kaddib markii ay dhamaatay mudadii 10-ka cisho aheyd ee loo qorsheeyay in lagu dhameeyo Mooshinkaasi.

 

Halkan hoose ka akhriso qodobada ay soo saareen Gudigaan.