Somali News

AKHRISO:- Gudigga Difaaca oo Baaraya Sababta uu u dhacay Weerarka Hotel Saxafi

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Guddiga Difaaca uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Guddiga Xuseen Carab Ciise ayaa lagu sheegay in weerarkii todobaadkii la soo dhaafay ka dhacay hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho, ay baaritaan ku sameyn doonaan.

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday  in la isticmaalay dareyskii cusbaa ee ciidamada xoogga dalka oo ay wateen dagalamayaalka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale Guddiga ayaa waxaa ay tilmaameen in ay  baaritaan ku sameyn doonaan weerarkaasi, Islamarkana waxaana gudiga ay magacaabeen afar xubnood oo ka tirsan Guddiga difaaca, kuwaasi oo baadi goobaya sababta ka dambeysay in Kooxda hubeysneed ay Dareeska ciidanka dowlada ay Weeraro ka geystaan

Halkan ka Akhriso Warqada:-