Somali News

Akhriso:-Gudoomiye Waaxeedyo ka tirsanaa D/Yaaqshiid oo xiran ku dhawaad muddo bil ah.

Muqdisho-KNN-Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ku dhawaad 30 cesho ay magaalada Muqdisho xabsi ku yaala ay ku xiran yihiin masuuliyiin ka tirsanaa Maamulka Degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir kuwaas oo dhawaan xilkii laga qaaday.

Xogta ay heshya KNN ayaa sheegeysa in 5 Guddoomiye Waaxeedyo ay ku jiraan xabsiga Godka Jilacow oo ay maamusho Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya la sheegay in loo xiray sababo amni sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Gobalka Banaadir.

Idaacadad Kulmiye ayaa heshay Magacayada iyo Waaxyaha ay qaabilsanaayeen Masuuliyiinta ee ka tirsanaa Maamulka Degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir kuwaas oo la xiray Intii lagu guda jiray Bishii Ramadaan, waxaana lagu kala magacaabaa.

  1. C/kariin Sii Cali Guddoomiyaha Waaxda 1-aad ee Heegan
  2. Cabdi Haajir Guddoomiyaha Waaxda Labaad ee Horseed.
  3. Saalax Cumar Xaayow Guddoomiyaha Waaxda Saddaxaad ee Juungal
  4. Cabdi Mahad Xasan Sangaab Guddoomiyaha Waaxda Shanaad ee ee 1-ada Luulyo
  5. iyo Faarax Caddaani Maxamed Guddoomiyaha Waaxda Lixaad ee Tawakal.

Hal Guddoomiye waaxeed ayaa la sheegay inuusan xirneen kaas oo lagu magacaabo Siid Cali Xasan Cilmi waana Guddoomiyaha Waaxda Afaraad ee Towfiiq, masuuliyiinta la xiray ayaa la sheegay iney ku socoto Baaritaan kadib markii looga shakiyay iney u hanjabeen Guddoomiye Waaxeedyo kale oo dhawaan boosaskooda lagu badalay.

Mid ka mid ah raga loo hanjabay ee lagu Badalay Guddoomiye Waaxeedyadaan xiran ayaa bartamihii Bishii ramadaan waxaa lagu dilay degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir, waxaana dilkiisa fulisay koox Gaari wadatay oo Gaarigiisa ku dhuftay hubka Culus ee Baasuukaha loo yaqaano.

Sidoo kale KNN ayaa ogaatay in saddax Guddoomiye waaxeed oo ka mid ah raga loo hanjabay ay shaqada ka fariisteen kadib markii ay soo wajahday xaalad Cabsi ah, Hay’adda Nabad Sugidda ayaa la sheegay iney baareyso dadkii arintaan ka dambeeyay waxaana masuuliyiinta xiran la sheegay in loo xiray arimo falkaas la xariira.