Somali News

AKHRISO:- Hay’ada NISA oo Shaacisay in Xubno Daacish ah ay ku qabteen Muqdisho.

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo  lagu daabacay Barta twitter-ka ee Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal ay ciidamada amniga ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho.

Hay’adda  ayaa sheegtay in howlgal ay ka fuliyeen Magalada Muqdisho ay kusoo qabteen Xubno ka tirsan Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

“Abaare 11-ka fiidnimo ee 19-ka November, 2018, ciidamada amniga ayaa magaalada Muqdisho kasoo qabtay xubno ISIS ah, Soo qabashada xubnahaan ayaa Dhantaalaysa dhagarta ay ISIS u maleegayeen shacabkeena” sidaasi ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Barta Twiterka NISA.

Halkan ka Akhriso