Somali News

Akhriso:- Khilaaf ka taagan sugida amniga doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isku khilaafsan cida sugeysa ammaanka guud ee dooraahada guddoonka Golaha Shacabka oo maanta lagu wado in lagu qabto xarunta teendhada Afisyooni ee Muqdisho, kadib markii ay soo kala saareyn Madaxdaas warqado iska soo horjeedo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya qoraal uu soo saaray ayaa lagu faray Ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si ay u dhacdo in doorashada guddoonka Baarlamaanka, isagoo arrinta ujeedkaas laga leeyahay ku sheegay in uu tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashooyinka Soomaaliya.

“Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota.” qoraal ayuu sidaa ku yiri Rooble.

Sidoo kale, Ra’iisul Rooble ayaa ku amray hoggaanka ATMIS inay si dhow ula shaqeeyaan xafiiskiisa, Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhigga iyo kan Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in  liiska xildhibaannada galaya teendhada Afisiyoone loo soo gudbinayo  guddoomiyaha KMG ah ee GolahaShacabka, waxaana  kaddibna hubin doona oo ATMIS u gudbinaya xafiiska Ra’iisulWasaaraha xukuumadda.

Dhinaca kale, saacado uun kadib Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna soo saaray qoraal uu kaga hor imaanayo go,aanka Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, isagoo sheegay in Guddiga Amniga uu Guddoomiye u yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) Sida ku cad habraacyadii ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Hawlgalka ATMIS looga baahan yahah inuu ku shaqeeyo hannaanka u degsan amniga doorashooyinka ee uu hormuudka u yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Golaha Shacabku uu yahah hay’ad astaan u ah mataaladda iyo madaxbannaanida shacabka Soomaaliyeed islamarkaana Amniga xarumaha ay ku shaqeynayaan ay  masuul ka yihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Isagoo sii hadlayay Madaxweynaha wuxuu soo saaray dhowr qodob o uu kaga hadlayo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee la xiriiray arrimaha doorashooyinka iyo baahida loo qabo dhammeystirka doorashada Guddoonka Golaha Shacabka:

1. Sida ku cad habraacyadii ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran, Guddiga Amniga Doorashada oo uu Guddoomiye u yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa masuul ka ah sugidda amniga doorashooyinka dalka. Sidaas darteed, Hawlgalka ATMIS wuxuu ku shaqeynayaa hannaanka u degsan amniga doorashooyinka oo uu hormuudka u yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

2. Golaha Shacabku waa hay’ad astaan u ah mataaladda iyo madaxbannaanida shacabka Soomaaliyeed. Amniga xarumaha ay ku shaqeynayaan waxaa masuul ka ah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

3. Hawlgalka ATMIS wuxuu gacan siiyaa Ciidamada Qalabka Sida, iyaga oo iskaashi wadashaqeyn la leh Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo ah hoggaanka arrimaha amniga doorashooyinka.

4. Hawlgalka ATMIS wuxuu ku shaqeynayaa habraaca amniga doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaranka, umana hoggaansami karaan amar kasoo baxay hal xafiis oo aan awood u lahayn inuu farageliyo hawlaha Golaha Shacabka.

5. Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in la dardargeliyo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, wuxuuna ka digayaa falalka lidka ku ah Heshiiskii 17-ka Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa oo ay Madashu ku heshiisay.

6. Sida ku cad wareegtadii uu Madaxweynuhu 22-kii Abriil 2022, ka soo saaray doorashooyinkii is barbar socday ee Gobolka Gedo, Xildhibaannada lagu soo doortay Degmooyinka Garbahaarey iyo Ceelwaaq kama qeyb gali karaan doorashada iyada oo aan la helin heshiis ay wadar-oggol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020, ama uusan Barlamaanka 11-aad soo saarin sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaankii 10-aad labadiisa Aqal ay horey u wada ansixiyeen.

Sidoo kale, Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar)ahna Guddoomiyaha Amniga doorashooyinka dalka oo xalay Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaysan ciidamada Booliska mas’uul ka aheyn amniga doorashada golaha shacabka ee maanta ka dhacaysa Teendhada Afisyooni ee Muqdisho.

Waxaana uu soo jeediyay Taliye Xijaar in dib loo dhigo doorashada guddoonka golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, sababo amni awgeed.

Ugu dambeyn, Taliyaha aya sheegay inay muhiim tahay in la xaliyo cabashada ka taagan doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Geysta kale, War qoraal ah oo ka soo baxay Wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Mohamed Nuur ayaa lagu shaaciyay in Shaqa joojin uu ku sameeyey Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, kadib markii uu ku eedeeyay inuu ku milmay arrimaha siyaasada, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka, isagoo xusay inuu ka shaqeynayo dano gaar ah.

Sidoo kale wasiirka ayaa taliyaha ku dhaliilay inuu ku howlan yahay falal khatar ku ah badqabka qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka iyo mas’uuliyiin sare sare oo xilal muhiim ah ka haya dalka.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad sugida ayuu amray wasiirka in ay ka fogaadaan ku milanka siyaasada, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, islamarkaana ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee ka saaran dalka.