Uncategorized

AKHRISO:-Khudbadii Jawaari maanta uu ka hor jeediyay xildhibaanada Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari guddoomiyaha xilka ka degaya ee Golaha Shacabka ayaa maanta mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ka hor jeediyay khudbad dhinacyo kala duwan taabaneysay oo inta badan uu kaga hadlay arimo la xariira iscasilaadiisa.

Afhayeenkii golaha shacabka ayaa inta badan ka hadlay waxqabadkiisa, mudadii 5-tii sano ee uu xilka hayay, iyadoona xubnahii baarlamaanka ay aad u soo dhaweeyeen guddoomiye Jawaari markuu bilaabayay khudbadiisa.

Jawaari ayaa sheegay in maanta aysan jirin qof ama koox guuleysatay ama laga guuleystay, isagoo ka dhawaajiyay in shacabka Soomaaliyeed ay guuleysteen, iyo sarreynta sharciga.

Halkan ka akhriso khudbadii Afhayeenkii golaha shacabka Jawaari.