Somali News

Akhriso:-Khudbadii Madaxweyne Farmaajo maanta uu ka jeediyay Garoonka Koonis ee xuska 1 Luulyo

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa khudbad dhinacyo kala duwan taabaneysa ka jeediyay fagaaraha Garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho oo maanta ay isugu yimaadeen kumanaan shacab ah iyo mas`uuliyiin ka socda dowlada.

Halkaas oo ay ka dhacday munaasabad loogu dabaal dagayay 1 Luulyo oo ah markii gobolada Koofureed ay Xornimada qaateen iyo midowgii Gobolada Koofureed iyo kuwa waqooyi ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kumanaankaas dad Shacabka iyo Mas`uuliyiinta isugu jiray ka hor jeediyay khudbad dhinacyo kala duwan uu kaga hadlay.

Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay Xiisada ka taagan deegaanka Tukeraq ee gobolka Sool halkaas oo ay ku dagaalamayaan Ciidamo kala taabacsan Soomaaliland iyo Puntland, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo dagaalkaasi.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay wadahadalo uu sheegay in dowladiisa ay la fureyso Soomaaliland wuxuuna yiri”Walaalaheen Soomaaliland waa garab naga maqan”

Waxaana goor dhow dar dar gelineynaa wadahadalo aan ugu hadleyno midnimada umada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhanka ka hadlay dagaalka dowlada ay kula jirto kooxaha kala duwan ee dalka ka dagaalama, sida kooxda Al-shabaab iyo Daacish, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in hal meel looga soo wada jeysto dagaalka ka dhanka kooxahaasi.

Ugu dambey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dar daarmay in ay ilaaliyaan wadaniyada iyo midnimada Soomaaliyeed islamarkaana Shacabka aan lagu dirin Dowladooda.