Somali News

Akhriso:-Maamulka Hirshabeelle Oo eedeyn u jeediyay Dowladda Fadaraalka

Jowhar-KNN-Shir ka dhacay magaalada Muqdisho loogana hadlaayay Arrimaha gargaarka deg dega ah, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasaaradaha gargaarka dalka heer maamul goboleed iyo heer Fadaraal.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu qaadacay Shirkaas iyo qodobadii ka soo baxay ee lagu qabtay Muqdisho, ayadoona eedeymo loogu jeediyay Wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka Wasaaradaha arrimaha gargaarka deg dega ah ayaa shalay la soo gabagabeeyay,waxaana si toos ah u qaadacay maamulka Hirshabeelle.